816 Views

Baraha bulshada waxaa aad looga hadal hayaa Guumeys ku dhintay shil baabuur magaalada New York

Baraha bulshada waxaa aad looga hadal hayaa Guumeys ku dhintay shil baabuur magaalada New York
____________________________________________________________________________


Axad: August 8, 2021

Baraha ay bulshadu ku xiriirto iyo bogagga intarneedka waxaa aad looga hadal hayaa Guumeys caan ah oo dadku ugu daawasho tagi jireen beer ku taal bartamaha magaalada New York ee dalka Mareykanka oo Jimcihii dhawaa ku dhintay shil baabuur.

Mas’uuliyiinta beertaasi ayaa sheegay in guumeyskaasi oo lahaa midabbo badan oo ku duulayay jawi hoose si uu u ugaarsado uu ku dhacay baabuur ka shaqeynayay gudaha beertaasi

Dhimashada shimbirkaasi ayaa sababtay in dadka jecel haadda iyo shimbiraha ee guud ahaan caalamka oo dhan ay baraha bulshadu ku xiriirto ku wadaagaan sawirrada iyo waxyaabaha ay ku xasuustaan guumeyskaasi caanka ah.

Bog Twitter-ka ah oo loo sameeyay in looga faaloodo wararka iyo macluumaadka ku saabsan shimbiraha iyo haadda kale ee beertaasi ku jira ayaa lagu sheegay in la tebi doono quruxdii Guumeyskaasi.

Shimbirkan ayaa noqday caan, waxaana u soo daawasho tagi jiray dadka booqanaya beertaasi, gaar ahaanna muddadii ay jireen xayiraadaha ka dhashay cudurka safmarka ahi ee Copvid-19. Dadka jecel bidhaanta iyo daawashada shimbiraha ayaa mar kastaa soo booqan jiray, waxaana intooda badan ay isku dayi jireen in ay sawirtaan.

Maamulka beertaasi ayaa sheegay in shilkaasi sababay dhimashada Guumeyskaasi uu dhacay Jimcihii dhawaa, saacaddu marka ay ahayd 2:30 aroornimo xilliga New York.

Bogga Twitter-ka ee beertaasi ayaa lagu shaaciyay dhimashada Guumeyskaasi caanka ah, waxaana la sheegay in dad badan oo farxad ka heli jiray bidhaantiisa ay haatan tebi doonaan.

Dad badan ayaa ka falceliyay geeridiisa, waxaana dadka jecel daawashada shimbiraha qaarkood ay dalbanayeen in sharraxaad laga bixiyo qaabka uu u dhintay.

Qaarkood ayaa tuhmaya in baabuurka dilay Guumeyskaasi uu xowli ku socday isla markaana uu jiiray shimbirkaasi, waxayna dalbanayaa la caddeeyo sababta baabuurkaasi uu beerta xowli ugu dhex socday iyadoo la ogyahay in beerta ay ku jiraan xayawaan badan oo habeenkii oo kaliya ugaarsada.

Haseyeeshee, maamulka beertaasi ayaa sheegay in shaqaalaha beerta ay ku guda jireen shaqo horey loo sii qorsheeyay isla markaana ay raaceen dhammaan habraacyadii loo dejiyay, wuxuuna intaasi ku daray in baabuurka shilkaasi geystay uu ku socday xawaare hoose oo ah 24kh saacaddiiba isla markaana nalalkiisu ay shidnaayeen.

Beertaasi ayaa sida la sheegaya waxaa soo maray in kabadan 280 nooc oo ka mid ah noocyada kala geddisan ee shimbiraha, waxaana maalin kastaa booqan jiray dad aan u badan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post