996 Views

Imran Khan iyo xisbigiisa oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo ay billaabayaan

Imran Khan iyo xisbigiisa oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo ay billaabayaan
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Sabtidii gurigiisa oo ku yaala Banni Gala ee magaalada Islamabad ku sheegay in uu fariin u dirayo dhammaan ururadiisa si ay ugu diyaar garoobaan “socdaalka xoriyad doonka ah’ ee lagu marayo gudaha Islamabad.

Imran Khan ma uusan shaacinin xilliga uu soconayo socodka la qorshanayo, inkastoo uu sheegay in dhawaan uu ku baaqi doono bilawga socodka loogu magac daray “xoriyad doonka”.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Imran Khan wuxuu sheegay in haddii maanta ururada siyaasadda ay u istaagi waayaan madax banaanida dalka ay mustaqbalka caruurteena halis geli doonan.

Imran Khan ayaa sidoo kale dalbaday in uu iscasilo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Pakistan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post