2304 Views

Guddoomiye Tuulax Iyo Saraakiil Ciidan Oo Xalay Kormeer Sameeyay

Guddoomiye Tuulax Iyo Saraakiil Ciidan Oo Xalay Kormeer Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 28 2018 —Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax, ayaa kormeer ku tagay Degmada Heliwaa,isaga oo u kuurgalay hanaanka suggida ammaanka Degmadaasi, sidoo kalena booqday qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Degmada Heliwaa.

Ujeedada Kormeerka ayaa la xiriirtay hanaanka suggida ammaanka iyo sida Bulshada reer Heliwaa ay u dareemayaan isbedelada dhanka ammaanka, kadib markii ciidamo dheeri ah oo Boolis ah la geeyay Degmadaasi, kuwaasi oo hawlgalo amni xaqiijin ah ka fuliya Degmada.

Goobaha uu tagay Gudoomiye Tuulax, ayaa waxa ay kala yihiin, Xaafada Waxar cadde, Koontaroolka Maslax iyo Biyo dageenka Xaafada Suuqa Xoolaha, isaga oo ka soo dukaameystay Suuqa Degmada Heliwaa.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tagay Biyo dageenka Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ciidamada amniga fariisimo ku leeyihiin, wuxuuna ka dhageystay Sarakiisha warbixino la xiriira dhanka ammaanka iyo sida ciidanka u shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa C/xakiin Cumar ayaa uga mahadceliyay Gudoomiye Tuulax hanaanka wanaagsan ee Degmada Heliwaa uu u kormeerayo isaga oo sheegay inay  tahay laba todobaad kadib kormeerkiisa labaad uu Degmada ku yimaado.

Ugu dambeyn Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax, ayaa sheegay ujeedka kormeerka inuu yahay ka warqabka Shacabka Degmada Heliwaa iyonabadgelyada ay hadda dareemayaan.

“Sida aan hada soo aragnay waxaan ka bilownay Xarunta Degmada illaaMaslax ayaan tagnay, Xaafado dhawr ah ayaan soo marnay oo Degmada kamid ah, Waaxyaha waa ay shaqeynayaan iyo Maamulka, guri kasta layr ayaa ku xiran oo maamulka Degmada uu shaqeynaayo, amni in la helowaxaa ay ku xiran tahay in dadka marka hore iftiin helaan, culeyska hadda aan soo aragnay waxaa ka mid ah in jidadka ku xun yihiinxaafadaha qaar, sida gudoomiyaha horay uga balanay waxaan idin kalashaqeynaynaa in jidadkaasi la furo oo geedaha xiray laga furo, dadkaaan layrarka daaran waxaan rajeynayaa inay dib u daartaan, ciidankaan ku dhawaad 20 berri ayeey shaqeynayaan isbedel ayeey keeneen, degmokastana waxaan rajeynayaa in aan xoogga saari doono.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

12 13 14 15 16 17 18

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment