774 Views

G/Sare Cali Faarax “ waxaan ka digayaa in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel aan laga soo dajin Wax Diyaarad ah oo sida Hub iyo Ciidan

G/Sare Cali Faarax  “ waxaan ka digayaa in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel aan laga soo dajin Wax Diyaarad ah oo sida Hub iyo Ciidan
____________________________________________________________________________

Jimco: October 1, 2021

Ciidamada ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta la wareegay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud, Sarkaalkii watay ayaa soo saaray Digniin ka dhan ah garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel, waxa uuna digniintaas u diray Milkiilayaasha Leh Diyaaradaha ee ka soo daga garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel.

G/Sare Cali Faarax Maxamed Bilaal oo ah Taliyaha hogaaminaya ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta qabsaday degmada Guriceel ayaa warbixin kooban  ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Bohol ee waqooyiga magaalada Dhuusamareeb.

Asaga oo saxaafada kula hadlay Guriceel Sarkaalkan ayaa  Yiri.

 “Maanta waxaan la wareegnay guud ahaan gacan ku heynta degmada Gurceel, waxaana na soo dhaweeyey bulshada deegaanka, horay waxaan ugu shaqey jirnay dadkaan iyo deegaankaan, hadana waxaan diyaar u nahay inaan u adeegno shacabkaan oo difaacano, waxaana ugu baaqeynaa inay is-dejiyaan,” ayuu yiri Sarkaalkaan u hadlay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa amar ku bixiyey in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel aysan ka soo degi karin diyaarad sida hub iyo ciidan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post