372 Views

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland oo ay gelbinayeen gaadiid dagaal oo aad u farabadan oo gaaray Degmada Boocame

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ee  Somaliland oo ay gelbinayeen gaadiid dagaal oo aad u farabadan oo  gaaray Degmada Boocame
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ugu magacaaban Somaliland Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye oo ay gelbinayeen gaadiid dagaal oo aad u farabadan ayaa gaaray Degmada Boocame ee gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa isla Degmada Boocame qeyb kamid ah ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan xildhibaanka laga soo doorto degmada.

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ah ayaa laga dareemayaa duleedka degmada Boocame iygaoo dhanka deegaanka Tukaraq ay muddo isku horfadhiyeen.

Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post