816 Views

Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay sababaha xilka looga qaaday Agaasimihii PSF

Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay sababaha xilka looga qaaday Agaasimihii PSF
____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

 Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ugu baaqay Agaasimihii hore ee Ciidamada Amniga ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano  in uu wareejiyo xilka, isla markaasna ay ciidamada joojiyaan xiisadda ay ka wadaan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in is-badalka lagu sameeyay Agaasinka Hay’adda PSF ay sababeen dul-duleelo ka jira maamulka ciidamada isla-markaasna la sixi doono.

Wasiir Gallan oo sharxayay sababaha keenay in xilka laga qaado Agaasimihii hore ayaa sheegay in uu jiray dayac iyo daryeel ay heysta Ciidamada PSF, isla markaasna ay doonayaan in waxbadan laga badalo si ay u helaan wixii ay mudnaayeen.

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland S/Guud Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay in Ciidanka PSF aysan ahayn kuwa qof leeyahay, balse ay yihiin ciidan dowladeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in uu xilka wareejiyo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in aysan Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin.

Madaxweynaha Puntland ayaa hay’adda PSF u magacaabay agaasime cusub, taasi oo uu qaadacay agaasimihii hore,iyadoona ciidamo badan ay gudaha u soo galeen gudaha magaalada Boosaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post