1377 Views

Wax ka ogow Madaxda ugu ilaalada badan caalamka iyo dhaqaalaha ku baxa

Wax ka ogow Madaxda ugu ilaalada badan caalamka iyo dhaqaalaha ku baxa
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Madaxda dalalka, hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee dowliga si gaar ah ayaa loo ilaaliyaa maadaamaa dal kasta uu aaminsan yahay qofka madaxweynaha ama hoggaamiyaha u ah inuu yahay kan dalka isku haya oo astaanta u ah midnimada qaranka.

Haddana madaxda dunida ka jira qaarkood ayaa ilaala aad u adag oo ka duwan madaxda kale loo sameeyaa, ilaaladaasi oo weliba aad loo adkeeyo marka ay meel ka baxsan dalkooda safar ku tagaan.

Haddaba warbixinteennan waxaan ku eegeynaa qar ka mid ah madaxda dunida ugu ilaalada adag.

Vladimir Putin

Madaxweyne Viladmir Putin si la mid ah hoggaanka siyaasadeed ee dalka Ruushka waxaa ilaaliya ciidamo si gaar ah u tababaran balse ilaalada Putin ayaa ka duwan ilalada madaxda kale.

Ilaalada Putin xog badan lagama hayo balse waxaa la ogyahay ilaalada Putin iney yihiin kuwa ay tayadooda aad u sarreyso si aad ahna uga duwan ilaalada madaxda caalamka kale.

Waxayna ilaaliyaan dhamman xogaha madaxweynaha ku gadaaman iyo dhaqdhaqaaq kasta uu sameynayo. Dadkuna waxay aad u daneeyaan iney wax ka ogaadaan ilaaladaasi howlaha ay sida gaarka ah u qabtaan.

Viladmir laftiisa oo ah madaxweyne dabeecado u gaar ah leh oo warbaahintana si aad u soo jiito haddana aragtidiisa siyaasadeed iyo mowqifka uu iska taago arrimaha qaar ayaa ka dhigaya madaxweynaha khatarta ugu badan ugu jiro cadow inuu soo weeraro balse 24 saac ay la socdaan ilaalo aan loo geli karin.

Putin oo isaga laftiisa naftisa u baqanaya, khatarta ama cabsida ugu weyn wuxuu ka baqayaa iney uga timaaddo waddamada reer galbeedka.

Kim Jong-un

Dunida waxay si aad ula yaabtaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kaddib marki la arkay ilaaladi la socotay ee ku wehlisay safarkii uu Singapore ku tagay.

Waxaana Kim looga cabsadaa in la khaarijiyo ama iney khatar kale uga timaaddo dadka isaga ku hareereysan.

Waxaana la ogaaday ilaalada madaxweyne Kim inaan tayo keli ah lagu tilmaamin balse ciidamo ilaaliya oo 100,000 ay tiradoodu gaarayo iney isaga oo keli ah ka amar qaataan.

Kim Jong-un ayaa la sheegay inuu had iyo jeer uu ka shaqeeyo iney muwaaddiniinta dalkiisa u arkaan inuu yahay hoggaamiye ruuxi ah oo aan la hollin kareyn.

Joe Biden

Iyada oo ay ku koobneen madaxweynaha hadda jooga ee Joe Biden madaxda kale ee soo maray dalka Mareykanka sida adag ee loo ilaaliyo waa la wada ogyahay.

Dunidana waxay ka dharagsan tahay madaxweyne kasta oo Mareykanka ka soo jeeda marka uu booqasho uu dal kale ku tagayo ilaalada uu sii kaxeysto sida gaadiidka iyo isgaarsiinta uu isticmaalo.

Madaxweynaha waddan kale marka uu booqasho ku tagayana xataa waxaaba gabi ahanba la damiyaa ama meesha laga saaraa isgaarsiinta si loo sugo ammaanka madaxweynaha Mareykanka.

Gawaarida uu socdaalka dalalka kale uu ku tago uu adeegsado, ciidamada ammaanka ee safarka ku wehliyo iyo sida loo adkeeyo amniga aagga uu booqanaya intaba dalka uu booqanayo madaxweynaha wuxuu kala soo laabtaa taageero aad u badan iyada oo dad badanna ay aad ula dhacaan.

Boqorad Elizabeth II

Boqorad Elizabeth II ayaa ah boqoradda muddadii ugu dheereyd xilka boqortooyada dalka Britain soo haysay.

Waxayna boqoraddu sanadki 2017-kii ay u dabbaal degtay sanad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay xilligi ay boqornimada Britain la wareegtay.

Ilaa iyo 2022-ka haddii boqoradda cimriga uu ku simo waxay u dabbaaldegi doontaa sanad guurada 70-aad.

Boqoraddana waxaa ilaaliyaa ilaalo gaar ah oo ay boqortooyada leedahay oo wata fardo iyo gaadiid waxaana astaan gaar ah u ah labbiska ilaalada boqoradda oo ka duwan ciidamada kale ee madaxda dalkaasi ilaaiya.

Inta ay gurigeeda ama boqortooyadeeda ku sugan tahay waxaa ilaalinaya ciidamada ilaalada qaarka ee boqoradda oo farda iyo gaadiid kooban wata balse haddii ay u safreyso meel dalkeeda ka baxsan ama ay galeyso safar dheer waxaa howsha ilaalada ku soo biiraya ciidamada qalabka sida oo gudanaya waajib kasta oo la xiriira ilaalinta amniga boqoradda.

Papa Francis

Pop Francis oo baadariga ugu sarreeyo Roma ayaa loo yaqaannaa hoggaamiyaha aan si toos ah ugu jirin madaxda caalamka balse awooddiisu ay dhaafsiisan tahay hoggaamiye diimeed.

Wuxuuna madax u yahay kaniisadda Cathloc ee caalamka oo dhan wuxuuna Pop-ku leeyahay ialaalo aad u adag oo la mid ah ama u dhigma madaxda caamalka.

Waxaana Pop-ka ilaaliya ciidama qarsoon balse tababarkoodu adag yahay haddii loo baahdana hub casri ah adeegsado.

Hoggaanka diimeed ee qofka ugu sarreeya Pop loogu yeero sanadki 1505 waxaa soo billaabay Pope Juliuis II kaddib marki uu ku guuleystay dagaal ka socday agagaaraha magaalada Rome.

Mark Zuckerberg

Mulkiilaha shirkadda weyn ee Facebook Mark Zuckerbergwuxuu ka mid yahay madaxda shirkadaha ee sida aadka loo ilaaliyo, ilaaladiisana miisaaniyad aad u badan ku bixiyo.

Laga soo billaabo 2015-tii mark Zuckerberg sanad walba ku dhawaad 20 malyan oo doolar oo amnigiisa guud ku baxaya iyo 7.3 malyan oo doolar oo ilaaladiisa gaarka ah ku baxeysa ayuu ku bixinayey xilliyada uu gurigiisa jooga ama uu meela kale u safrayo.

Ilaaladiisana waxaa mararka qaar loogu yeeraa ‘booliska qarsoon ee Zuckerberg’, warar aan la xaqiijininna waxay sheegayaan halki mar iney la socdan ilaala gaareysa 16 qof.

Mulkiilaha shirkadda teknooloojiyadda ee Oracle Larry Ellison oo ilaaladiisa ku bixin jiray 1.8 malyan oo doolar waxaa haatan ka sare maray maamulaha shirkada Facebook oo ilaalada amnigiisa sanad walba ku bixiyo 20 malyan oo doolar.

BBC

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post