483 Views

Dagaal-yahannada Taliban oo kala cayriyay tiro haween ah oo ku dibad baxayay Kabul

Dagaal-yahannada Taliban oo  kala cayriyay tiro haween ah oo ku dibad baxayay Kabul
____________________________________________________________________________


Sabti: AUGUST 13, 2022

Dagaal-yahannada Taliban ayaa kala cayriyay tiro haween ah oo ku dibad baxayay Kabul, ku dhowaad sanad kadib markii ay kooxdu la wareegtay talada dalkaas.

Ilaa 40 haween ah ayaa isugu soo baxay caasimadda iyagoo dalbanaya xuquuqdooda, kahor inta aysan Taliban rasaas nool kor u ridin.

Taliban ayaa la wareegtay telefoonnada haweenkan, iyagoo xoog ku joojiyay mid ka mid ah dibad baxyadii ugu horreeyay ee haweenka.

Tan iyo intii Taliban ay xilka la wareegtay, xuquuqda haweenka ayaa si aad ah loo xannibay.

Waxay kooxdu soo rogtay xayiraado badan oo xorriyadda haweenka ah, sida shaqooyinka dowladda, waxbarashada iskuulka iyo inay u safraan meel 45 meyl (70km) u jirta hoygooda, iyadoo uusan la socon muxrim.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post