1254 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Somaliland oo la kulmey Safiirka Britain ee Somalia

SAWIRO:-Madaxweynaha Somaliland oo la kulmey Safiirka Britain ee Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

 

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya iyo arrimo la xirira dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka.

 

 

 

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo wefdiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xiriirka wada shaqayneed iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xiriirkaasi.

 

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment