1971 Views

SAWIRO: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

SAWIRO: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 04 February 2019 –Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Maqaayadda Itian oo ku dhegan Moolka Muqdisho ee degmada Xamarweyne.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 20 qof Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa aheyd meel Mashquul badan, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wali dowladda Soomaaliya kama hadlin Qaraxaan maanta ka dhacay degmada Xamarweyne.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment