579 Views

Howlgallo ka dhan Al-Shabaab oo laga sameeyey duleedka degmada Doolow

Howlgallo ka dhan Al-Shabaab oo laga sameeyey duleedka degmada Doolow
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad Sugidda ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka sameeyey duleedka degmada Doolow.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa looga hortagayey weerarada ay xoogaga Al-Shabaab ka geysteen deegaanada u dhexeeya Doolow & Luuq ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha horkacayey Howlgalka waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Gedo oo ka mid ah gobollada hoostaga maamulka Jubbaland ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolkaasi.

.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post