1242 Views

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey xeer muhiim ah

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey xeer muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirrada.

 

Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guryo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga Soo Guryo-noqonaya.

 

 

Shirka golaha ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada ka dhanka ah Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment