81 Views

Golaha Ammanaka oo maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya.

Golaha Ammanaka oo maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

NEW YORK — Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudabadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha.

Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in is-afagaradkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ay falcelis xooggan oo diidmo ah ka dhalisay Soomaaliya. Waxay sheegtay inay tahay wax laga walaaco in al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso xaaladda si ay dad u qorato.

Waxay shegetay inay garawsan tahay dareenka xooggan ee Soomaaliya uu cadaadis ku saarayo madaxweynaha Soomaaliya inuu jawaabo, waxayna sheegtay inay ku dhiirigelinayso madaxweynaha inuu jawaabtiisu ahaato mid qiyaasan.

Waxay ku celisay hadalka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midobay ee xaqjijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay yeeshaan wadahadallo wax dhisaya ayna ka fogaadaan hadallo wax hurinaya ama ficillo sii kicin kara xiisadda.

Wakiilka dawladda Britain ayaa dhinaca kale ka hadlay ka doodista wax ka beddelka dastuurka ee ka bilowday Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in dawladda Soomaaliya ay raadiso wadahadllo wadar ogol ah oo sal ballaadhan si loo xaqiijiyo in hannaankan uu helo taageero ballaaran.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post