1554 Views

Banaanbaxyo lagu tageerayo in Dowlad KMG loo dhiso Soomaaliya oo bari lagu wado in uu ka dhaco daljirka Dahsoon

Banaanbaxyo lagu tageerayo in Dowlad KMG loo dhiso Soomaaliya oo bari lagu wado in uu ka dhaco daljirka Dahsoon
____________________________________________________________________________

khamiis: November 25, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  lagu wado  in maalinta bari ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, Banaanbaxyo looga soo hor jeedo dhaca Xildhibaanada baarlamaanka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Bananbaxydaan ayaa lagu wadaa in lagu taageero Go’aamada maanta ka soo baxay Midowga Musharixiinta ee ah in dalka u baahan yahay badbaado Qaran.

Kulamada Midowga Musharixiinta u socda ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo Dowlad wadaag ah, oo dalka ka badbaadisa dhaca iyo Boobka  ka socda dhuusamareeb ee ka imaanaya Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Banaanbaxyada aya lagu wadaa in ay qaataan Boorarka iyo Sawirada Midowga Musharixiinta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post