2217 Views

Marwada Madxweynaha Oo Qaabbishay kaaliyaha madaxa Xafiiska Afrika ee hay’adda gargaarka Bini’aadantinimo ee Boqor Salmaan

Marwada Madxweynaha Oo Qaabbishay kaaliyaha madaxa Xafiiska Afrika ee hay’adda gargaarka Bini’aadantinimo ee Boqor Salmaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —-Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo;  Saynab Cabdi Macallin oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda Saynab Moallim Foundation ayaa  Madaxtooyada ku qaabbishay kaaliyaha madaxa Xafiiska Afrika ee hay’adda gargaarka Bini’aadantinimo ee Boqor Salmaan, Mudane ; Yuusuf Al Bakheet iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Marwada Qaranka ayaa Mudane Yuusuf Albakheet ka dhegaysatey warbixin ku saabsan qorsheyaasha Hay’adda ee la xiriira horumarka, gargaarka bini’aadantinimo, caafimaadka haweenka iyo dhallaanka ee ay ka fuliyaan dalka.

 

Marwo; Saynab ayaa wafdiga la wadaagtay mashaariicda caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee ay Marwadu ka waddo Dalka iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka Mira dhalintooda, si loo sugo bedqabka dhallaanka iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

 

Marwada Qaranka, ayaa ugu danbayntii kula dardaarantay wakiilka hay’adda in ay Gacan ka geystaan ka hortagga xaaladaha Bini’aadantinimo, dhiirri gelinta waxbarashada, caafimaadka Haweenka iyo dhallaanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment