507 Views

Munaasabadda Caleema Saarka M/weyne Xasan Shiikh oo maanta dhaceysa

Munaasabadda Caleema Saarka M/weyne Xasan Shiikh oo maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 9, 2022

Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 9-ka bisha June waxaa lagu wadaa in xarunta teendhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabadda lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xili ammaanka caasimadda si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka intooda badan lagu arkayaa Ciidamada ammaanka oo si guud u sugaya.

Waxaa socoto diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee la xiiriirta Munaasabadda Caleema saarka Madaxweyne Soomaaliya, waxaana Muqdisho ku sugan wafuud kala duwan oo heer caalami ah kuwaas oo ka kala socda wadamada caalamka.

Madaxda iyo wafuuda maanta  ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia, Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo dalal kale.

Xalay bandhow bilowday afarta have habeenimo ayaa la saaray Magaalada Muqdisho si guud, waxaana maanta jirin dhaq dhaqaaq gaadiid iyo mid dadweyne, iyadoo ciidamada ammaanka lagu arkayo waddooyinka waaweyn ee soo gala xarunta teendhada Afiisyooni taas oo si weyn loo adkeeyay ammaankeeda.

15-kii bishaan May ayaa xilka Madaxtinimo loo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kaas oo maanta loo madalsan yahay in xilkaas loo caleema saaro, waxaana tani ay bulshada dhexdeeda ka dhalisay hadalheyn kala duwan.

Office Nairobi Kenya

\Off

Office  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post