1050 Views

SAWIRO:-Ciidanka Dowladda oo howlgal miino-Baaris ah ka wada Shabeellaha Hoose

SAWIRO:-Ciidanka Dowladda oo howlgal miino-Baaris ah ka wada Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo miina baaris ah.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay xalay ilaa saaka howlgallo mino baaris ah ka wadaan Xaafadaha deegaanka Janaale & duleedka deegaankaas.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay goobaha qaar ku Aaseen miinooyin,isla markaana ay soo saareen qaarkoodna ay qarxiyeen,iyada oo aan cidna wax ku noqon.

 

 

 

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidanka xoogga dalka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo ku sugan Janaale ayaa horkacaya howlgalka,waxaana uu sheegay inay howlgalkaas sii wadi doonaan ilaa iyo inta Shabaab laga saarayo deegaannada kale.

 

Waxaa uu sheegay Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta in meelaha qaar ay miinooyin kasoo saareen,waxaana uu tilmaamey inay si buuxda Ciidamada Dowladda u sugeen Amniga deegaanka Janaale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment