1227 Views

Digniin loo diray Odayaashii tagay degaanada ay maamulaan Al-Shabaab

Digniin loo diray Odayaashii tagay degaanada ay maamulaan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 09, 2019 —Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Galmudug ayaa digniin adag u diray Odayaal ka baxay deganaada maamulka Galmudug oo Al-Shabaab ay kusoo bandhigeen degaanada ay maamulaan.

 

Taliyaha cusub ee Qeybta 21aad Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay tilaabo qaadi doonaan Odayaashaasi hadii ay dib ugu soo laabtaan degaanada maamulka Galmudug.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in aysan dhicin karin  in Waxgarad Al-Shabaab ay heshiis la garaan xilli Ciidanka xoogga dalka ay dagaal kula jiraan Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

 

Qooje taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad  ayaa sidoo kale xusay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabi doono degaanada ay kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud.

 

Hadalka taliyaha ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab degaanada ay maamulaan ay kusoo bandhigeen odayaal ay ku sheegeen in ay yihiin kuwii soo xulay xildhibaanada Golaha Shacabka oo Towbad Keenay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment