1224 Views

Ku simaha Madaxweynaha Galmudug oo daahfuray Shirka Dowladaha Hoose

Ku simaha Madaxweynaha Galmudug  oo  daahfuray Shirka Dowladaha Hoose
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

Ku simaha Madaxweynaha ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta daahfuray Shirka Dowladaha Hoose ee Galmudug iyo Daadajinta Maamulka

Shirkan oo ay so qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisinta ayaa waxa ka so qayb galay Maamulada Dagmooyinka Galmudug ee la aqoonsanaa 1991 ka hor.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in Siyaasada Xukummada u hogaamiyo Madaxweyne Ahmed Abdi Kadiye Ay awooda sarayso Daadajinta Maamulka iyo dhimaha Goleyaasha Deeganka Galmudug.

“Waxaa naga go,aan in adeegyada kala duwan ee Dowlad Goboleedka u bixiyo in lagu wareejiyo Dowlada hoose sida Arimaha Caafimadka Waxbarashada Biyaha Iyo Korontada” ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali dahir Eid.

Sido kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa faray Wasarada Arimaha Gudaha in Dagmoyinka aan Goleyaasha deegan aan lahayn in logu sameeyo 3 bilood ee so socda waxana uu intasi ku daray in Sanadkan meesha u ku dhamado Wasarada laga doonayo in guud ahaan Dagmoyinka Galmudug ay leeyihiin Goleyaal deegan.

Kulankaan oo ay ka qayb galeen Wasiiro ,Agaasimeyaal, Gudomiyeyaal Dagmoyin iyo la taliyeyaal sare ayaa waxa uu socon doona ila manta Galinka danbe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post