501 Views

Ciidamada Haramcad oo saakay mar kale laga dajiyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Ciidamada Haramcad oo saakay mar kale laga dajiyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya garoonka Ugaas Qaliif ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimada  Galmudug oo saakay mar kale laga dajiyay Ciidamada  Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ka kooban yihiin illaa 200 waxaana la sheegay in ay ku Hubeysan yihiin Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ciidamadan ayaa ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb-qaataan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobolka Galgaduud, gaar ahaan dagaalka Ahlu Sunna.

Galmudug ayaa haatan Wada guluf dagaal ka wada caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana qorshaheeda uu yahay inay Ahlu Sunna ay dib ugala wareegto Guriceel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post