1452 Views

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF oo ka digtay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Kenya

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF  oo ka digtay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Kenya
____________________________________________________________________________

Isniin: December 6, 2021

Iyadoo ay bilooyin un ay ka harsantahay xiliga ay dowladda Kenya sheegtay inay xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma, ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada ku aaddan, in xal waara loo helo dadka ku nool xeryaha ku nool Dhadhaab oo halis ugu jira in laga joojiyo gargaarka yar ee ay hadda helaan.

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF, ayaa kamid ah hay’adaha walaaca ka muujinaya xaaladda qaxootigaasi, waxayna maanta soo saartay warbixin ay ku xoojineyso walaaceeda isla markaana ay ku direyso baaq.

MSF ayaa dowladda Kenya iyo beesha caalamkaba ugu baaqeysaa inay ka dhabeeyaan balanqaadyadoodi ahaa, in qaxootiga ay dhex galaan bulshooyinka kale ee ku nool Kenya ama dib u dejin loogu sameeyo dal kale.

Dhanka kale, waxaa ay bogaadisay sharciga uu dhawaan saxiixay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaas oo qaxootiga siinaya fursad waxbarasho iyo inay dhex gali karaan bulshooyinka kale ee ku nool dalka.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post