492 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo gaaray Addis-Ababa

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi oo gaaray Addis-Ababa
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayey oo gaaray Garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport ee Magaalada Addis-Ababa, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madax sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibeda dalka Itoobiya iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas.

Kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaa loo gslbiyey qolka nasashada ee madaxda loogu talagalay, halkaas oo ay ka sii amba-qaadi doonaan safarkooda dalka Maraykanka.

Safarka Madaxweyne Biixi ah ku tagayo dalka Mareykanka ayaana la ogeyn waxa uu salka ku hayo, balse waxaa uu dalkaas kulamo kula soo qaadan doonaa Xukuumadda Mareykanka Mas’uuliyiin ka tirsan.

Xubnaha safarka ku wehlinayo Madaxweybaha waxaaaka mid ah Wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga iyo Wershadaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Jaamac Muusse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsatada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdigiisa ayaa ka dhoofay shalay galinkii dambe Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka,

Sidoo kale, Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa,  ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post