927 Views

Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa Degmada Jariiban oo ka dhacday Gobolka Mudug.

Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa Degmada Jariiban oo ka dhacday Gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose, Xildhibaan ka tirsan Puntland iyo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug ayaa ka qayb galay Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa Degmada Jariiban.

Doorashadan ayaa waxaa ku soo baxay Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cali Saciid Cabdi, Gudooomiye ku xigeena Degmada Jariiban ayaa waxaa isna loo doortay Mursal Cabdale Khalaf.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu Hambalyeeyey Maamulka cusub ee loo doortay Degmada jariiban isagoona kula dar-daarmay in ay kula xisabtamayaan waxii loo idmaday Bulshada dhexdeedana looga dhex doortay, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada kula dar daarmay inay la shaqeeyaan maamulka Cusub.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post