1887 Views

Aqriso: Qoraalka dowladda ay u dirtay dowlada Kenya

Aqriso: Qoraalka dowladda ay u dirtay dowlada Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Febaraayo 17, 2019  – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay Kenya ugu yeertay safiirkeeda Soomaaliya, islamarkaana Muqdisho ugu soo dirtay safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo loo diray Kenya, ayaa lagu sheegay inuusan jirin dhul ay leedahay Kenya oo shidaalka ku jiray ay xirmooyinkiisa xaraashtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in dhul-badeedka ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee lagu soo bandhigay London uu yahay dhul-badeedka Soomaaliya, uuna waafaqsan yahay mowqifka Soomaaliya ay ku dheggan tahay muddada fog, ayna ku jirto sheegashada Soomaaliya ee ku cad kiiska badda ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaareyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaarto go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto.

Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka xun tahay go’aanka ay dowladda Kenya ugu amartay safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkeeda, ayada oo aan wax wada-tashi ah kala yeelan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya kala shaqeyso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay wada wajahayaan labada dal.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment