762 Views

Xildhibaan Odawaa oo sheegay Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay doorasho qof iyo cod ah

Xildhibaan Odawaa oo sheegay Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay doorasho qof iyo cod ah
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 26 2020
—Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah ugu fashilmay hoggaanka dalka, islaamrkaana Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Shacabka been loo sheegayay.

Xildhibaanka ayaa codsaday in Madaxweyne Farmaajo uu horyimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo waqtiga la lumay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahneyn in baarlamaanka Soomaaliya uu ka taggo isla xisaabtanka.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne ee ansixinta heshiiskaas.

255 Xildhibaan ayuu ku furmay kulanka Xildhibaanada, waxaana goobta ku sugan gudoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxyaabaha laga doodaayo waxaa ka mid ah heshiiskii Siyaasadeed ee jiheynta Arrimaha doorashooyinka .


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post