1182 Views

Dowladda Somalia & AMISOM oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Somalia & AMISOM oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ay wehlinayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa ay Maanta Magalada Dhuusamareeb kulan kula qaateen Taliyaha Ciidamada AMISOM qeybta Hiiraan kaa soo halkaasi Maanta gaaray.

 

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa ay uga wada hadleen Xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug iyo sidii la isaga kaashan lahaa holwgallo la filayo inay dhawaan ka bilaawdaan deegaannada Maamulka Galmudug.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka C/Casiis C/llaahi ” Qooje” oo kulanka ka warbixinyaya ayaa sheegay in saraakiisah ka socotay Ciidamada AMISOM ee ka yimid dhinaca Baladweye ay isku afgarteen in la bilaabo howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab lagana fuliyo deegaannada Galmudug.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ee Jabuuti  Major Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in uu soo maray deegaanno badan ooa ka tirsan gobolka Hiiraan,isla markaana ay u kuur galayeen xaalada dhinaca Amniga.

 

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato Xoreynta Deegaanada Galmudug oo ay xilligaan gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment