942 Views

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaarey Garoowe lana kulmay Madaxda Puntland

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaarey Garoowe lana kulmay Madaxda Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta gaarey Wafdi uu hogagaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan oo ay wehlinayeen madax ka socotay Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD, iyaga oo la kulmay Madaxda Maamulka Puntland.

 

Kulan gaar ah oo Wafdiga ay la qaateen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa ay uga hadleen Doorashada Soomaaliya ee 2021-ka, Amniga iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

 

 

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale wararka kulanka laga helayo ay sheegayaan inay isku raacen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kale ah iyo la tashiga ku saabsan Doorashada & horusocodka dowladnimada Soomaaliya.

 

Wafdiga Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay tageen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo la kulmay Madaxwyenaha Jubbaland kalana hadlay arrimaha khilaafka dowladda & Maamulka Jubbaland iyo sidoo kale doorashada 2020/2021.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment