1083 Views

Sacuudiga oo dilay 8-ruux oo looga shakiyay argagixiso

Sacuudiga oo dilay 8-ruux oo looga shakiyay argagixiso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Sideed xubnood oo maamulka dalka Sacuudi Carabiya ay ku tilmaameed in ay yihiin Unug argagixiso ayaa maalinimadii shalay lagu dilay gobolka dhaca Bariga dalkaasi ee Qatif .

 

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in raggaasi la dilay ka dib markii ay diideen in ay is-dhiibaan,waxayna rasaas  la beegsadeen ciidamada ammaanka oo isku gadaamay dhismo ay ku jireen kooxdaasi ee deegaanka Sanabis .

 

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in Unugaasi ay diyaarinaayeen falal argagixiso ah oo dhan ka ah amniga dalka Sacuudga,gaar ahaan gobolka dhaca Bariga.

 

Ma jiraan cid ka tirsan dadka  rayidka ah  ah iyo ciddamada ammaanka oo wax ku noqotay howlgalkaasi lagu ugaarsanaayey unuggasi.

 

Tallaabadaan ayaa imaaneysa ka dib olkii ciidamada ammaanka oo raadinaya rag la tuhmayo ay go’doomiyeen magaalada Umm al-Hamam oo ka tirsan gobolka Qatif,halkaaasi oo la tilmaamay in lagala horyimid iska cabin

 

Horaantii sanadkaan maamulka dalka Sacuudi carabiya ayaa sheegay in gobolka Qatif ay ku dileen dhowr qof oo la tilmaamay in ay ahaayeen kooxo hubeysan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment