996 Views

Silvia Romano oo laga cabsi qabo in la keeno Soomaaliya

Silvia Romano oo laga cabsi qabo in la keeno Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Dowlada Talyaaniga ayaa shaacisay in ay ka cabsi qabto in  Silvia Romano oo u dhalatay dalka Talyaaniga, islamarkaana Afduub ahaan loogu heysto gudaha dalka Kenya in si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya.

 

Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in Kooxda gacanta ku heysa Silvia Romano ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan Xadka Soomaaliya, islamarkaana hadda ay wali aaminsan yihiin in lagu heysto gudaha Kenya.

 

 

 

Waxaa sidoo kale fashilmay wada hadal u socday Safaaradda Talyaaniga ee Kenya iyo Kooxda Afduubtay Silvia Romano oo ahey Shaqaallo gargaar oo ku sugnaa Gudaha Kenya.

 

Silvia Romano ayaa la Afduubtay 20 bishii  Nofeembar Markii uu dhacayay afduubka haweeneyda ayaa la sheegay in afduubayaasha ay rasaas fureen taasoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin dabadeedna ka tallaabeen wabiga Galaana.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment