1803 Views

Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatey Jaaliyadda Soomaaliyed ee Brussels

Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatey Jaaliyadda Soomaaliyed ee Brussels
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2018 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah kula qaatey magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ururada Bulshada Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka Shuraakada Soomaaliyeed ee ka dhacaya Brussels.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri galiyey Ururada bulshada Soomaliyeed inay ka miro dhaliyaan dadaaladooda oo ay ugu horeyso wacyi galinta bulshada , ka qeybqaadashada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo in ururada bulshadu qeyB ka noqdaan Dolwadda si ay u fududaato loona hubiyo in sidii la rabey ay bulshada u gaareen adeegyada asaasiga ah ee shacabku ka sugayo Dowladda.

Madaxeyne Axmed Madoobe oo weli kulamo kawada Magalada Brussels ayaa Saacadihi la soo dhaafay waxa uu sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah Madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee shirkii Brussels ka qeyb gashay.

ahmed-madoobe-jaaliya-beljinka-2 ahmed-madoobe-jaaliya-beljinka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment