1206 Views

Xisbiyada siyaasadeed ee Tunisia oo ku eedeeyay madaxweynaha inuu sameeyay afgambi

Xisbiyada siyaasadeed ee Tunisia oo  ku eedeeyay madaxweynaha inuu sameeyay afgambi
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021


Xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka Tunisia ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu sameeyay afgambi kadib markii uu shaqada ka eryay raiisul wasaaraha isla markaana shaqada ka joojiyay baarlamaanka

Kais Saied, oo sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka gaashaandhigga, wuxuu sheegayaa inuu u dhaqmay si waafaqsan dastuurka.

Dhanka kalena Waxaa jiray isku dhacyo ka dhacay banaanka baarlamaanka Tunisia, kadib go’aankii madaxweyne Kais Saeid uu ku joojiyay golaha sharci dejinta habeenki xalay.

Dadka dhaleeceeya madaxweynaha ayaa ku eedeynaya inuu afgambi sameeyay, laakiin wuxuu sheegay inuu ku shaqeeyay xuquuqdiisa oo ahayd inuu “badbaadiyo” Tunisia.

Waxaa jiray bilo xiisad siyaasadeed, iyo jahwareer baahsan oo ku aadan sida ay dowlada u maareysay labada masiibo ee dalkaasi saameeyeey. Waa karoona iyo dhaqaallo darrada baahsan ee jirta.

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo caalami ah oo ku saabsan xaaladda Tunisia, iyadoo loogu baaqayo is xakameyn. Qatar waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay wada hadlaan.

Turkiguna wuxuu muujiyay walaac qoto dheer, isagoo ku baaqay in dib loo soo celiyo sharciyadii dimoqraadiga ahaa. Jarmalka ayaa soo jeediyey in dib loogu laabto nidaamka dastuuriga ah, halka afhayeen u hadlay Kremlin uu sheegay in Ruushka uu la socdo waxyaabaha soo kordha isla markaana uu rajeynayo inaysan jirin wax khatar ku ah xasiloonida iyo amniga Tunisia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post