741 Views

Howl-gallo ka dhan ah maan-dooriyaha oo laga sameeyay Jowhar.

Howl-gallo ka dhan ah maan-dooriyaha oo laga sameeyay Jowhar.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga OO Maalmihii danbo ka socda magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle,

Saraakisha hogaamineeysay Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgaladani uu ahaa mud lagu beegsanayay dadka falalka ammaan-darro ka wada magaalada iyo kuwa maan-dooriyaha isticmaala ama ka ganacsada.

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Jowhar Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay fahmeen khatarta ka dhalan karta isticmaalka maandooriyaha,islamarkaana ciidamada amniga ay ku garab taagan yihiin sidii loola dagaalami lahaa kooxahaas.

Wuxuu taliyahu sheegay in ay ciidammadu baari doonaan goob iyo guri walba oo ku yaalla magaalada, si loo xaqiijiyo amniga, waxayna ciidamada Booliska magaalada Jowhar goob fagaaro ah ku gubeen mukhaadaraad gaaraya 382-kiilo oo ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post