657 Views

Al-shabaab oo Xalay Mar Kale Weerar ku qaaday deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe

Al-shabaab oo Xalay Mar Kale Weerar  ku qaaday deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Wararka ka imaanaya deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in Xal.ay Mae kale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo-Cadde Weerar Madaafiic ah gaar ahaan Xero ciidanka oo ay dagan yihiin Ciidamada dowlada & kuwa AMISOM.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burudi ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay dhankooda hooboyiyeaal ku jawaabeen, kadib weerarka lagu soo qaaday xeradooda deegaanka Biyo-Cadde.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post