1296 Views

Golaha Midowga Musharaxiinta oo bayaan ka soo saaray waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka

Golaha Midowga Musharaxiinta oo  bayaan ka soo saaray  waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 202

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka, iyagoo doorashada deegaanada qaar ku qeexay isku ‘awood sheegasho aan loo marin’ habraacyadii loo dejiyey doorashada.

Golaha ayaa qoraalkaan ku xaqiijiyey inay jiraan kulamo u socda, si ay go’aan uga gaaraan waxyaabaha socda, sidoo kale waxay shaaciyeen kulamo ay la yeelan doonaan R/wasaare Rooble, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu maalamahan leeyahay kulamo dhexdiisa ah, iyo kuwo uu la yeelanayo Raysalwasaare Rooble, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka golaha.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku sheegay in xasiloonida dalka ay gud dheer ku sii dhaceyso, markii la eego boobka baahsan ee doorashada lagu hayo, isla markaana aysan aqbali doonin taas.

https://6091458306ee45092a8aecd2dc1cca54.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html “Goluhu wuxuu mar kale caddaynayaa in uusan aqbali doonin doorashooyinka degaannada qaar ee lagu billaabay boob qaawan oo la isugu awood sheegtay, laguna tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo halis gelinaysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta.

Ugu dambeyntii bayaanka golaha waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa, wuxuuna ka shaqaynayaa sida ugu haboon oo dalka looga hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan leh, laguna badbaadiyo masiirka dalka iyo geedi-socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada.”

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post