1911 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay tabashooyinka la xiriira tacadiyada ka dhanka ah haweenka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay tabashooyinka la xiriira tacadiyada ka dhanka ah haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho September 01, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta karaamada iyo sharafta bulshada Gobolka, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhinacyada ay khuseyso.”

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo dhawaan ay banneeyeen Ciidanka AMISOM.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment