480 Views

Madaxweyne Macron oo mar kale loo caleemasaaray xilka madaxtinimo ee Faransiiska

Madaxweyne Macron oo mar kale loo caleemasaaray xilka madaxtinimo ee Faransiiska
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

 Emmanel Macron ayaa mar kale loo caleemasaaray xilka madaxtinimo ee Faransiiska, labo todobaad ka dib markii uu doorashada kaga guuleystay haweeneydii la tartamaysay ee midigta fog Marine Le Pen.

Xaflad ka dhacday qasriga Elysee ka dib, Mr Macron waxa uu jeediyay khudbad kooban oo uu ku faahfaahiyay caqabadaha baaxada leh ee soo food saaray Faransiiska bilawga mudda xileedkiisa labaad oo si rasmi ah u bilaabmaya mudda toddobaad ah .

Wuxuu ka digay culeyska ay leedahay halista ka dhalan karta dagaalka Yurub, isbeddelka cimilada iyo saameynta joogtada ah ee musiibooyiinka, isaga oo sheegay in uu u ka shaqeyn doono sidii Faransiiska uu uga dhigi lahaa bulsho siman oo barwaaqo ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post