510 Views

Maraykanka iyo Yurub oo Putin u diray digniin ku wajahan duulaanka Ukraine

Maraykanka iyo Yurub oo Putin u diray digniin ku wajahan duulaanka Ukraine
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 16, 2022

Tiro ka mid ah Senatarrada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Ukraine, iyagoo si buuxda u taageeray in si degdeg ah cunaqabatayn loogu soo rogo Ruushka, haddii ay dhacdo inuu duullaan ku qaado Ukraine.

“Hadduu Madaxweynaha Ruushka, go’aansado inuu weerar ku qaado madax-bannaanida Ukraine, waxaa hubaal ah inuu la kulmi doono Cawaaqib xumo iyo shalaayto,” ayaa lagu yiri bayaankan ka soo baxay Senetka Mareykanka.

Dhanka kale, bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Waddamada Mareykanka, Faransiiska, Britain, Jarmalka iyo Talyaaniga, ayaa loogu baaqay Ruushka inuu joojiyo  falalka horseedi karo inuu qarxo dagaal.

Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, uu ugu baaqay muwaadiniintiisa in ay u diyaar garoobaan difaacida Ciidooda oo ay kor u qadaan Calankooda.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post