813 Views

Xaaf oo Maanta tegaya Magaalada Dhuusamareeb

Xaaf oo Maanta tegaya Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –MaMadaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa xalay ku hoydey Magalaada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

 

Xaaf ayaa la flayaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah in uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo la flayo in uu halkaasi kula kulmey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

 

 

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in munaasabad kooban Magaalada Dhuusamareeb dhawaan lagu qaban doono,taas oo uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

 

Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah la galay Madax ka ttirsan dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug,sidoo kale uu Gaalkacyo kula kulmey Xildhibanao ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaas oo ugu dambeyn ku qanciyey in uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

 

Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay waxaa uu la kulmey Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gelinsoor,isaga oo kala hadley arrimo dhowr ah.

 

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa laga dareemayaa imaanshaha Xaaf oo muddo ku dhow sanad ka maqan,kadib markii ay is khilaafeen Hoggaankii Ahlusunna oo ay ka wada tirsanaayeen Maamulka Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment