1173 Views

Sheikh Shaakir oo war ka Soo saaray Dagaalkii gurceel

Sheikh Shaakir oo war ka Soo saaray Dagaalkii gurceel
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

Sheikh Maxamed  Shaakir Cali Xasan ayaa war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay degmadda Guriceel ee Gobalka Galgaduud iyo qaabkii ay uga baxeen.

Waxaan marka koobaad u tacsiyanayaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii isbaheysiga gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana leeyahay, “intii naga dhimatay Rabbi hasiiyo naxariistiisa janno, intii naga dhaawacantayna rabi hanoo caafiyo”

waxaana aad uga xumahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, waana nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel ee nagu soo dhaweeyay si nabad ah.

Waxaan rabaa in aan u sheego umada soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena.

Waxaan dadka soomaaliyeed u caddaynayaa in aan Guriceel uga baxnay Codsi nooga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ,Waxay kaloo naga codsadeen in aan ku wareejino labadii gaari ee lagu xasuuqay dadkii lagu laayay deegaanka Bohol in aan ku wareejinno iyaga waana ku wareejinnay.

Waxaan ku ballannay in aan degno deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii nalagu soo weeraray.
Waxaan kaloo ku ballannay in wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, waxaana aqbalnay dhamaan codsiyadii nooga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaan mahadcelin u dirayaa shacbigeenna marwalba nagu garabtaagnaa nabadda iyo difaaca deegaanka iyo dadka laga difaacaya kooxahaha argigixisada ah walina garabkeenna taagan, waxaana uga tacsiyeeynaynaa waxyeelladii ka soo gaartay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday guryahooda, hantidooda ayadoo la adeegsanaya awooddii dowladnimada Somalia.

Waxaan marwalba u taagnaanahay nabadda iyo in aan awoodda dowladeed si qaldan loo isticmaalin, waxii khaldama lagu saxo wada hadal , dagaal aan kan shabaab aheena dhacin , dadkeenana aysan ku seexan walwal ay ka qabaan argigixisada .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post