1059 Views

Madaxda Dowladda oo lagu dhaliilay ka aamusida Go’aanada Kenya

Madaxda Dowladda oo lagu dhaliilay ka aamusida Go’aanada Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maajo 31, 2019  –Todobaadyadii la soo dhaafay dowladda Kenya waxaa ay gaareysay go’aano Siyaasadeed oo ka dhan ah Soomaaliya,iyada oo Mas’uuliyiin lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi.

 

Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya ayaa ka aamusan tallaabooyinkaas marka laga reebo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo saartay War-Saxaafadeed uu ka muuqday biseyl Siyaasadeed,waxaana Madaxda ugu sareysa dowladda lagu dhaliilay ka aamusida Go’aanada Kenya.

 

Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ka aamusida Madaxda Dowladda ee Go’aanadaas ay Shacabka Soomaaliyee u keeni karto niyadjab.

 

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in mar walba tallaabooyinka loo qaado xaalada Siyaasadeed ee dalka ay ka dhiidhiyaan Shacabka Soomaaliyeed oo sameeyo banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan,balse ay weli la’yihiin Madax garab ku siisa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment