822 Views

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigay 10 sargaal kadib markii ay cambaareeyeen mashruuca uu bilaabay madaxweyne Erdogan

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigay  10 sargaal kadib markii ay cambaareeyeen mashruuca uu bilaabay madaxweyne Erdogan
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 10 sargaal oo howlgab ah kaddib marki ay si cad u cambaareeyeen mashruuca kanaalka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hindisay oo laga dhisayo biyo mareen muhiim ah.

Saraakiishaan howlgabka ah ee la xiray waxay ka mid ahaayeen 104 sargaal oo saxiixay warqad caqabad ku ah mashruuca Erdogan uu damacsan yahay ee Bosphorus Strait.

Marin biyoodkaasi oo ah mid ay maraakiib badan isticmaalaan ayaa isku xiraa Badda Madow iyo badda Mediterranean.

Saraakiisha la xiray waxaa lagu soo oogay dacwad ah “iney ku heshiiyeen sameynta dambi halis ku ah amniga iyo awaamiirta dastuuriga ee dalka”.

Iyaga oo la mid noqonaya saraakiil ciidan oo aad u badan oo horay loogu maxkamadeeyey isku daygii afgembigii dhicisoobay ee Erdogan lalal damacsanaa oo dhacay 2016-kii

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post