10407 Views

UBADKA IYO MUSTAQBALKA

UBADKA IYO MUSTAQBALKA
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | February 5, 2016 – Inkastoo xadaaradda iyo teknoolajiyada aduunka ay maanta gaartay heerar mujtamaca aduunka uu isbadel weyn ku dhaco. Waxaa laga soo guuray hab duug ah, waxaana loo soo guuray hab cusub oo loo baahan yahay inay fahmaan kumanaanka waalid ay ku adkaatay sidii ay ilmahooda ugu jideyn lahaayen sida toosan ee mustaqbilkooda iyo ayaaha cimrigoodu ku hagaagi lahaa. Ma filaayo inay jirto waalid habeen ku seexday in ubadkiisa seegaan hamiga iyo himilada uu la jacel yahay, haddana waxaa bulshada waayahan danbe camiray ilmo uu ka lumay toobiyaha nolasha, iyagoo ubadkaas magansaday balwad, jahwareer, dibjirnimo iyo iyagoo marin habaabiyey kumanyaal kale oo ficil ahaan kaga dayday.

Hadaba, xumaanta iyo dhibaatada haysata ilmahan waxey bulshadii badeen dib u dhac dhan kasta leh, waxeyna horumariyeen isticmaalka maandooriyaha oo ah mid dhiskooda iyo maskaxdooda uu ku shaqeyso waana tii la yiri (jir fiyow ayaa leh maskax fiyow) markaana bulshadu uma fadhido in mustaqbil laawe bulshada ku soo kordho, waana wax loo aayo. Waxkastaba gun iyo aasaas bay leeyihiin waxeyna baarayaasha iyo culimada cilmi nafsiga si wada jir ahaan u soo saareen; in sababta ugu weyni ay tahay rabaayaasha ubadka iyo hoyga korriinka billowga ah, sidaa awgeed ayaan jecleystay bal inaan halkaan ku xuso asbaabo kale oo arimahaan ku taxaluqa.

Ugu horeynba mustaqbalka waa saadaal, saadashuna ilaah baa ku shaqo leh xagiisayna ka diiwan gashan tahay ciribta danbe, balse bani’aadanka waxaa korkiisa ah dadaal iyo tawakal, bal haddaba akhtistow halkan waxaan kuugu hayaa qoys ka kooban shan carruur ah iyo hooyo iyo aabbe, waxaana jeclahay qoyskaan aan tusaalaha u soo qaadannay in aan wadajir ahaan halkan ku muujino qariirada mustaqbilka.

Waxaa caado ah in waalidku ilmihiisa la jeclaado siduu jecel yahay, taasoo aalaba jahawareer iyo ismaan dhaaf keenta. Khasab maahan in ubadku muuq iyo mustaqbalba ugu ekaado waalidka, laakiin waxaa suurro gal ah in ay dhacdo qaar dhaxla taxanihii nolasha ee waalidka. Laga yaabo aabuhu waa sheekh diinta aad u yaqaan, waxaa dhici karta in la helo wiil ama gabar aad ugu fur-furan barashada Quraanka, taasoo ah raadkii aabihihiisa, marka haddii ubadku aabahaas wanaagsan ka leexdan maahan dad lumay oo caasi garoobay, balse waxaan oran karnaa himiladii ayaa kala rogatay, waxaana lagama maarman ah marka in ilmaha lagu garab qabto wuxuu jecel yahay.

Waxaa laga yaaba shan caruur oo isku bah ah oo naas wada nuugay, dhabar kaliyana ka wada yimid isku hoyna ku soo barbaaray, qaar inay la ciirayaan mustaqbal la’aan waalidku horseed ka yahay, kuwa kalena ay cagta la heleen dhabihii baraaraha iyo mustaqbalka toosan. Haddaba ma waxaan oran karnaa waalidka ayaa ubadkakiisa kala jeclaa? Waa maya, ma waxaan oran karnaa misina ubadka ayaa kala dadaal badnaa? Misna waa maya jawaabtu, markaa su’aashu nala gudboon sow maahan maxey ku dhacday arintaan?

Shantaba waxaa wada dhalay hooyo iyo aabbe. Waxbarashada ama aqoonta aabbaha waa ilaa heer jamacadeed, hooyaduna waxey ku siman tahay ilaa heer dugsi sare, markaa shanti caruur waalidka waxey u jiheeyeen mustaqbalkoodi tacliin heer jaamacadeed, iyagoo waalid ahaan u arkaaya in ay ugu liibaani doonaan siday iyaguba ugu liibaaneen, maxayse noqotay natiijadii? Waxey noqotay in qaar kamid ahi ay ka muuqdaan bogg-tacliimeedka, qaarna ay ku noqotay dhibaato iyo wax aan sinna looga dhaadhicin karin macaankii iyo qiimahii lagu maleynaayey, maxaa dhacay waxey u noqdeen kuwii waxrashada ku fiicnaa tusaale lagu caayo oo dhagahoodi ay dhibsadaan, taana waxey dhalisay in laba ka mid ah ubadkaasi ay dugsigii ka saaqidaan; dhiciddii imtixaanka iyo natiijo raaligalin weyday darteed, tan xigta in gurigiiba isaga huleelaan cayda waalidka, qeylida joogtada ah darteed, markaana ay ku biiraan bahda maalintii oo dhan jiifta habeenkiina soo jeedda, biyo dhigooduna waa mustaqbal la’aan iyo in ay noqdaan warshadda dhibka soo saarta.

Kuwii bogg-tacliimeedka ka muuqday waxey noqdeen kuwa amaanta iyo ducada waalidka maalin kasta joogta ku ah, waxaana loogu yeeray baariyaal mustaqbal leh; waa yaabay! Mustaqbalku ma baqtiyaa nasiib baa?

Annagoo is leh nuxurka maqaalkan fasir, waxaana la yaab leh heerka khasabka nolosha ubadka gaaray, oo hadduu farsamo-yaqaan rabo, ma waxaad ku khasbeysaa looyarnimo ama injineernimo waalidow sidaad jeceshihiin ilaahaa idiin hayee dadaala oo raaca taladan.

Waxaa la yiraahda Ilmaha marka ay dhashaan waa dhaxdhaxaad, laakiin marka danbe waxey u liicaan dhinaca loo barbaariyo inta ay yar yihiin. Mar haddii cunugu sanadka toddobaad madaxa la galo waxaa ku saran waalidow waajib caan ah, kaas oo ah in ubudka muslimka ah tacliintooda lagu dhinac wado barashada diinta waa hadalkii Eebbe ee koonka abuuray, markaa waxa haboon in gogol looga dhigo maskaxda ubadka ee maran, laguna bilaabo cajalka maskaxda magaca ilaahay.

Taana waxey waafajineysaa cunuga oo u sahlaysa ku ilhaaminta Eebbe mustaqbalkiisa. Waxaa kaloo la ogaaday cunugu inta uu yar yahay da’da ilaa 9 sano ay qofnimadiisu tallaalanto, waxaana xiligaa soo ifbaxaa dhaqdhaqaaqyo iyo ifafaalo ka turjumaya waxa uu rabo isagoo waalidow kuu soo badhigaaya waxa uu rabo iyo waxa uu naceb yahayba markaana waxa kula gudboon waalidow inaad ubadkaada diyaarisa aayaha mustaqbalkooda oo la gaarto meel salka looga dhiso wax ku saabsan camel falaadkiisa ama iftiinka nolosha u soo bidhaamaysa, loomana baahna inaad himiladiisa ka leexiso, oo aad ku qasabto waxa aad la dooneyso, taana waa hooya ba’a mustaqbalkiisa.

.

Hassan Sheikh

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment