129 Views

Midowga Afrika oo Ergey u Magacaabay Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Midowga Afrika oo Ergey u Magacaabay Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Ururka Midowga Afrika oo ka duulaya dajinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay, si loo qaboojiyo xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo Itoobiya ay la gashay Somaliland oo ay qeyb kamid ah Jamhuuriyadda federalka.

Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay inuu madax ka noqdo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib xiisadda labada dal oo hawada isku shareertay oo laga qabsi qabo dagaal ka qarxa gobolka oo markale dhexmara labada dowladood.

”Si looga hortago xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya in ay u gudbaan dagaal culus, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa dadaallo wada xaajood ah u diray Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo dowladda Soomaaliya ay diiday in la dhex dhexaadiyo Itoobiya, illaa laga noqdo heshiiska xadgudubka ku ah madax bannaanideeda, taas oo ay la gashay Somaliland oo ah gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sida wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay.

“Taasi waa sababta aysan u bannaanayn dhex-dhexaadinta, haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskeeda sharci-darrada ah, oo ay dib u xaqiijiso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya” oo ka hadashaybayaanka ku aadan dhexdhexaadintaasi.

Tallaabada uu haatan qaaday Midowga Afrika ayaa sidoo kale timid, xilli waddamada gobolka ay shir ku yeesheen magaalada Kampala, kaas oo looga hadlay xiisadda labadaan dal. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda uu xumaaday, kadib markii ay kowdii bishaan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ee Addis Ababa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post