975 Views

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo ku wajahan Itoobiya

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo ku wajahan Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay kula kulmaan kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka  deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

 

kullankaan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay saddexdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeeran wada hadalka deyn cafinta wajiga afaraad, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

 

Wasiir Beyle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment