828 Views

Dowladda Qatar & OIC oo ka hadlay qaraxyo ka dhacay Muqdisho & Baydhabo

Dowladda Qatar & OIC oo ka hadlay qaraxyo ka dhacay Muqdisho & Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii khasaaraha geystay oo ay Al-Shabaab Shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa tacsi u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la garab taagan tahay taageera kasta oo lagaga hor-tagayo weerarada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii ay Al-Shabaab ay shalay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay Dad isugu jira Rayid iyo Ciidan.

Ururka OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo Qoysaska Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaas, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u booga dhayo Dadka dhaawaca ah.

Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aaddan kooxaha qaraxyada, wuxuuna ku dhowaaqay in ay Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin mar walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post