333 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya
____________________________________________________________________________

Talaado: July 5, 2022

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaaraha ku dhuftay dalalka geeska afrika,isbebadalka cilimada iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh gobolka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa boggaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aaddan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Shirkaan qodobada looga hadlay waxaa kamid ah xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Dowladdaha Suudaan iyo itoobiya ee salka ku haya arimaha Wabbiga Niil

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post