1029 Views

Hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada gole oo bilaabatay

Hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada gole oo bilaabatay
____________________________________________________________________________

Sabti: April 23, 2022

Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Aqalka Sare waxaa ay kulamo ku leeyihiin xarumaha ay ku shiraan oo ku yaala Magaalada Muqdisho, iyagoo maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta u taagan Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiin dhowr ah oo ka kala tirsan labada aqal ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana ay ka hor jeedinayaan wax qabadkooda ku aadan markii ay xilka guddoonka golayaashaas ku guuleystaan.

Waxaa goordhow furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ugu horreeyn Xildhibaanada ay faatixo roob doon ah ay u mareen dadka iyo dalka, maadama ay ka jirto abaaro daran oo Dad iyo duunyo aad u saameeyay.

Waxaa khudbad jeedinta musharixiinta golaha Aqalka Sare lagu bilaabay kuwa u taagan xilka Guddoomiyaha Golahaas, waxaana ugu horreeyn loo yeeray Saalax Ahmed jaamac.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan xilka guddoonka golahaas, waxaana lagu bilaabay musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaas oo gaaraya 8 Musharax oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Maanta ayuu qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo hadal jeedinta musharaxiinta u taagan Guddoomiyaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 24 loo asteeyay inay xildhibaanada Baarlamaanka ay dhageystaan hadal jeedinta musharaxiinta u taagan qabashada Gudoomiye ku xigeenada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post