1569 Views

War deg deg ah: Suuqa islii gaar ahaan Yare Tawwer oo ku yaala 12ka oo lagu kala cararay Sawiro..

War deg deg ah: Suuqa islii gaar ahaan Yare Tawwer oo ku yaala 12ka oo lagu kala cararay  Sawiro..
____________________________________________________________________________

khamiis: September 23, 2021

Waxaa goor dhawayd lagu kala cararay Suuq wayn oo Mall ah oo ku yaala xaafada islii gaar ahaan 12 Streat  oo  lagy magacaabo Yare Tawwer oo dhawaan Xariga laga jaray.

Warar hor dhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Meesha lagu arkay ama loga shakiyay walxaha Qarxa, oo dadka laga baxshay, waxaana goobta soo gaaray Ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in Meesha Laga baxo.

Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka hor taga Qaraxyada ee Kenya kuwaas oo wata eeyyaha wax u Riya, waxaana jira shaki laga qabo in goobta wax lagu Xiray.

Lama oga sababaha loo xiray agaas, waxaana  ka soo baxaya  Warar Is Qilaafsan siday wax u jiraan, mana Jiraan ilaa iyo haatan war ka soo baxay Hay’addaha amaanka Kenya oo ku aadan arintaan iyo xalada ka jirta xaafada islii.

Xaalada Xaafada islii ayaa haatan ah mid aad u kacsan xaaladeeda, waxaana jira in ay Xiran Yihiin Wadooyinka soo gala aagaas.

Kala soco Wixii ku soo kordha arintaan Bogan

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post