816 Views

Dad ku geeriyooday qarax ka dhashay Booyad shidaal oo ka dhacay Sierra Leone

Dad ku geeriyooday qarax ka dhashay Booyad shidaal oo ka dhacay Sierra Leone
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Booyad sidday shidaal ayaa ku qaraxday galinkii danbe ee shalay magaalada Freetown ee dalka Sierra Leone,  halkaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira Naf iyo Maal.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya dad daadsan hareeraha waddooyinka magaalada Freetown, kuwaa oo ku gubtay dab ka dhashay Booyadii qaraxday.

“Muqaalada iyo sawirrada lagu faafinayo baraha bulshada waa kuwo argagax leh ” ayay tiri Yvonne Aki Sauer, duqa magaalada Freetown.

Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in halkaas ay ku naf wayeen dad gaaraya 100 qof, dad intaa ka badana ay dhaawacyo kala duwan soo gareen.

Waxaa jira war kale oo sheegaya in qaraxa ka dib, ay isku dhaceen tiro gawaari xamuul ah, kuwaa oo dadkii saarnaa ay waxyeello soo gaartay.

Ilaa hadda lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu sababay qaraxan, waxaana goobtii uu qaraxa ka dhacay isgu gadaamay ciidamada Booliska oo ku howlan sidii ay u caawin lahaayeen mas’uuliyiinta maareynta musiibooyinka Sierra Leone.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post