669 Views

iskuul islaami ah oo ku yaalla Nigeria oo sheegay in la afduubtay 26 arday.

iskuul islaami ah oo ku yaalla Nigeria oo sheegay in la afduubtay 26 arday.
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Maamulaha iskuul islaami ah oo ku yaalla dalka Nigeria oo AxadiI laga af-duubtay arday badan ayaa BBC-da u sheegay inay maqanyihiin 126 arday.

Abubakar Al-Xassan ayaa sheegay in 5 kamid ah caruurtiisa ay kamid yihiin ardayda laga afduubtay iskuulka oo ku yaalla magaalada Tegina ee gobolka Niger.

Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhaari ayaa ciidamada amaanka ugu baaqay inay xaqiijiyaan in ardaydaasi la soo siidaayo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa Isniintii weeraray magaalada Beri iyo tuulo kale.

13 qof ayaa la dilay welina lama xaqiijin inay jiraan dad la af-duubay iyo in kale.

Lixdii bilood ee ugu dambeeyay, in ka badan 800 oo arday ayaa laga af-duubtay iskuulo iyo machadyo, kuwaas oo qaarkood la soo daayay marka laga bixiyay madax furasho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post